379 xaalado cusub oo coronavirus oo laga xaqiijiyay dalka

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay inay xaqiijisay kiisas hor leh oo dhan 379 oo ah kuwa cudurka COVID19.
Tani ayaa timid kaddib markii 24-kii saacadood ee la soo dhaafay baaritaano lagu sameeyay dheecaan gaaraya 7,050 .
Ilaa iyo hadda baaritaannada guud ee la sameeyay waxay yihiin 215,037 halka xaaladaha guud ee cudurka ee dalka ay marayaan 10,105.
Kiisaska maanta la sheegay Nairobi waxaa laga xaqiijiyay 209 ,Kiambu 49,Busia 38 ,Migori 19 ,Mombasa 16 ,Kajiado 12 ,Uasin-Gishu 8,Lamu 6,Machakos 5 ,Nakuru 5 ,Narok 2 ,Wajeer 2 ,Kisumu 2 ,Garissa 1 ,Isiolo 1,Kericho 1 ,Nyamira 1 ,Nyeri 1 iyo Trans-Nzoia 1
376 ka mid ah dadkan cudurka laga helay waa Kenyaan halka saddexda kale ay ajaaniib yihiin.
Dhanka jinsiyadda waxay isugu jiraan 253 rag iyo 126 haween ah waxayna da’dooda u dhaxaysaa 2 sano iyo 97 sano jir.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in 49 bukaan oo dheeraad ah isbitaallada laga saaray waxayna hadda bogsashada guud gudaha Kenya tahay 2,881.
Qof kale ayaa cudurka u dhintay tani oo dhimashada ka dhalatay cudurka COVID19 ee dalka ka dhigtay 185.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here