38 ka mid ah shaqaalaha maamulka canshuuraha dalka oo racfaan ka qaadanaya dacwado lagu soo oogay

Saraakiil ka mid ah shaqaalaha maamulka qaabilsan aruurinta iyo maaraynta canshuuraha ee KRA oo tiro ahaan dhan 38 kuwaasi oo dhawaan lagu soo oogay dacwado dhowr ah ayaa maxkamadda codsi racfaan ah u gudbiyay.
Codsigan ayay geeyeen kaddib markii isniintii maxkamaddu ay ciidamada booliska u ogolaatay inay 14 maalmood eedeysanayaasha xabsiga ku sii hayaan.
Ciidamada dambi baarista ayaa loo qabtay muddo laba toddobaad ah oo ay ku soo gabagabaynayaan baaritaano ka dhan ah saraakiisha .
Dacwadaha howlwadeenadan ay wajahayaan waxaa ka mid ah inay ku kaceen falal musuqmaasuqa iyo bixinta dokumeentiyo sharci darro ah.
30 kale oo ka mid ah shaqaalaha maamulka KRA ayaa maxkamadda la soo taagay iyadoo boolisku ay doonayaan inay xabsiyada ku sii hayaan 21 maalmood si ay baaritaanada ka dhanka ah u soo gabagabeyaan.
Jimcihii la soo dhaafay ayay ahayd markii xabsiga la dhigay 70 ka mid ah saraakiisha KRA oo waxyaabo kala duwan lagu eedeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here