DHAGEYSO:Xildhibaano ka digay inay mudo kororsi Samayso dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Xubno ka tirsan baarlamaanka fedraalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka digay inay mudo xileedkeeda wax ka darsato dowlada hada uu xilkeeda u sii dhamaanayo ee Soomaaliya.
Dowlada hada jirta ee Soomaaliya ayaaa waxaa muda xileedkeeda uga harsan Hal Sano iyo bar waxayna Xildhibaanadaan Sheegeen inaysan ilaa iyo hada cadayn jahada uu dalka Soomaaliya u socdo iyo nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.
Xildhibaan Maxameed C/raxmaan beene Beene oo ka tirsan Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa sheegay inay Gabeen shaqadii Baarlamaanka oo ahayd la xisaabtanka hay’adaha Dowlada sidoo kalena wuxuu Tilmaamay inaysan arin la aqbali Karo ahayn in mudo kororsi ay dowladu Samaysato.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiq oo isna ah mudane Katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inaysan jirin cid saadaalin akrta waxa dalka Soomaaliya ka dhici kara marka la gaadho sanadka 2021-ka isagoo dowlada dhexe ku eedeeyay burburinta Xisbiyada siyaasadeed iyo diidmada dadka ka aragtida duwan sida u hadalkiisa u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here