39 qof oo laga siidaayay xabsiyada Mombasa

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa sheegaya in xabsiyada laga siidaayay 39 maxaabiis ah .
Go’aankan ayaa lagu saleeyay in la yareeyo tirada maxaabiista si xal loogu helo ciriiriga ka dhex jiro xabsiyada.
Ku xigeenka madaxa waaxda diiwaanka ee maxkamadda Mombasa Christine Ogweno ayaa sheegtay in dadka la fasaxay horay loogu xukumay xabsi ah saddex sano iyo wax ka yar.
Ms Ogweno ayaa sido kale sheegtay in siidaynta maxaabiista ay weli socoto oo ay suurtagal tahay inay sii kororto tirada dadka ee xuriyadooda dib u helaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here