4.7 bilyan oo loo adeegsanayo korontada cadceedda ee ismaamulada xoolo dhaqatada

Dowladda ayaa daahfurtay barnaamij lagu qarash gelinayo 47 milyan oo doolarka Maraykanka una dhiganta 4.7 bilyan oo shilin .
Dhaqaalahan oo uu ku deeqay bangiga adduunka ayaa loo adeegsan doonaa in korontada cadceedda laga dhaliyo laga hirgeliyo 14 ka mid ah ismaamulada dalka ee lagu tilmaamo oomanaha.
Dowlad deegaanadan ayaa waxaa inta badan ku nool xoolo dhaqatada dalka iyadoo abaaruhu ay si gaar ah u saameyaan.
Sido kale ismaamuladan oo kala ah galbeedka Pokot, Turkana, Marsabit, Samburu, Isiolo, Mandera, Wajir, Garissa, Tana River, Lamu, Kilifi, Kwale, Taita Taveta iyo Narok ayaa dhanka horumarka uga dambeeyay 33-da ismaamul ee kale.
Barnaamijkan oo loogu magacdaray (KOSAP) ayuu qorshuhu yahay inay ka faaiidaystaan qiyaastii 1.1 milyan oo qof.
Waxaa si wadajir ah u fulinaya wasaaradda tamarta , shirkadda korontada ee KPLC iyo barnaamijka dowladda ee korontada lagu gaarsiinayo magaalooyinka yaryar ama tuulooyinka ee (REREC).
Bayaan ka soo baxay wasaaradda tamarta ee dalka ayaa lagu sheegay in ujeedada laga leeyahay barnaamijkan ay tahay in ismaamulada aanan si toos ah ugu xirneen keydka qaran ee korontada ee National grid ay ka faaiidaan adeeg koronto oo joogto ah.
Bangiga adduunka ayaa sheegaya in bartilmaameedsiga fulinta barnaamijkan uu yahay 277,000 oo qoysas ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here