4 eedeysanayaal oo lala xariirinayo fal aan lagu guulaysan oo la maxkamadeynayo

Waxaa la filayaa in maanta maxkamadda la soo taago afar qof oo lagu eedeyay inay ku lug lahayeen iskuday dhac ah oo la fashiliyay kaaso laga soo tabiyay deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu.
Eedeysanayaasha ayaa isugu jiro laba ilaalo ah, mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka iyo qof kale oo rag ah.
Waxaa uu qorshahoodu ahaa inay lacag ka dhacaan mashiinta loo yaqaano ATM-ka ee bangiga Barclays ee deegaankaasi balse ciidamada dambi baarista oo ku raad joogay ayaa gacanta ku dhigay.
Magacyada eedeysanayaasha ayaa lagu kala sheegay Hillary Ng’eno, Jared Nyang’au, Douglas Momanyi iyo Jacob Barasa.
Taliyaha booliska ee dowlad deegaanka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka Mr. Cali Nuno ayaa sheegay in afarta qof ee maxkamadda ka soo hormuuqanaya ay horay u sameyeen iskudayo dhowr ah balse aynan u suurtagelin inay dhac gaystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here