4 eedeysane oo lagu qabtay hilibka geriga oo maxkamad Garissa la soo taagaya

Waaxda adeegga duurjoogta dalka ee KWS ayaa sheegtay in maxkamadda magaalada Garossa la soo taagi doono afar qof oo eedeysanayaal ah kuwaasoo gacanta lagu dhigay iyagoo sita hilibka geriga.
Dadkan ayaa laga soo qabtay deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa.
Hilibka oo ah 150 kiilogaraam ayaa lagu soo helay howlgal ay si wadajir ah u sameyeen ciidamada waaxda KWS , Northern Rangelands Trust iyo waaxda dambi baarista.
Howlgalka ayaa sido kale lagu soo qabtay qalabka lagu ugaarsado iyo dhugdhugleey .
Waxa lagu soo oogi doonaa dacwad ku aaddan ugaarsiga duurjoogta .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here