4 ka mid ah ciidamada dalka oo loo haysto dhac maalmo ka hor ka dhacay Nairobi West

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee twitarka ku sheegtay in afar ka mid ah ciidamada dalka lala xariirinayo fal dhac ah oo horraantii bishan lacag dhan 72 milyan looga xaday xaafadda Nairobi West ee caasimadda dalka.
Saddex ka mid ah saraakiisha oo ka tirsan ciidamada booliska ayaa lagu kala magacaabaa Simon Gichui, Florence Karuku iyo Caroline Waithera halka eedeysanaha afaraad magaceedu lagu sheegay Eunice Wangari.
Saraakiisha dambi baarista ayaa eedeysanayaashan gacanta ku dhigay xalay.
Sido kale waxaa la hayaa baabuur la rumeysanyahay in lagu soo iibiyay qeyb ka mid ah lacagtaasi lagala baxsaday mid ka mid ah mashiinada lacagta lagala baxo ee loo yaqaano ATM-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here