4 ka mid ah guddoomiyaasha ismaamullada oo ballanqaaday inay deymaha bixinayaan

Afar ka mid ah guddoomiyaasha dowlad deegaanada dalka ayaa sheegay in sannadkan 2020-ka ay bixin doonaan dhammaan deymaha lagu leeyahay.
Waxaa bishii hore uu muran ka dhex jiray ismaamullada iyo wasaaradda maaliyadda.
Muranka ayaa salka ku hayay go’aan ka soo baxay sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Mr. Ukuru Yatani.
Go’aanka Yatani ayaa ahaa inaan lacago la siin doonin ismaamullada ku guul darreystay inay dib u bixiyaan lacagaha ka maqan shakshiyaadka iyo shirkadaha adeegyada kala duwan qaab qandaraas ah ku bixiyay.
Wasaaradda maaliyadda ayaa sheegtay in ismaamullada Nyeri iyo Laikipia keliya ay lacagaha deymaha ah bixiyeen xilligii laga doonayay.
Guddoomiyaasha hadda ballanqaadka sameeyay waxaa ka mid ah barasaabka Laikipia, Ndiritu Muriithi iyo dhiggiisa Kirinyaga Anne Waiguru.
Xoghayaha dowlad deegaanka Isiolo ,Axmed Galgalo ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’an tahay in sannadkan gudihiisa ay bixiyaan deyn dhan 350 milyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here