4 ka mid ah saraakiisha waaxda KEBS oo damiin lagu siidaayay

Xarunta KEBS

Afar sarkaal oo ka tirsan Xafiiska Waaxda dowladda dhexe u qaabilsan xaqiijinta tayada badeecooyinka ee KEBS ayaa lagu siidaayay dammaanad lacageed oo dhan 100 kun oo shilinka dalka.
Saraakiishaan ayaa la xiray 22-kii bishaan.
Waxaa shaqsiyaadkan lala xiriirinaya inay lunsadeen lacag dhan 12 milyan oo shilinka dalka intu u dhaxeesay sannadkii 2017- 2018-ka.
Afarta ayaa ka mid ah toddobo sarkaal oo ka tirsan waaxda oo saldhigoodu yahay ismaamulka Kisumu kuwaas oo lagu soo eedeeyay in ay lacagta ka xadeen akoonka bangiyeed ee waaxda.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa sheegtay in saddex sarkaal oo kale lagu raad jooga.
Eedeysanayaasha ayaa la filayaa in maalinka berri ah lagu soo oogo dacwad ku saabsan musuqmaasuq iyo lunsashada hanti dadweyne.
Magacyada eedeysanayaasha la xiray ayaa lagu kala sheegay Jacqueline Njeri Kangiri, Catherine Nangila Wanyonyi ,Linet Bitengo Nyanchama iyo Daniel Ambrose osumba .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here