4 looga shakiyay inay ka mid yihiin Al-Shabaab oo Lamu lagu dilay

Ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ayaa sheegay inay dileen afar qof oo lagu tuhmay inay ka mid yihiin dagaalyahaanada xarakada Al-Shabaab.
Waxay arrintan timid kaddib weerar shalay lagu qaaday bas ay leedahay shirkadda Mombasa Raha kaasoo ka dhacay deegmada Nyongoro.
Maleeshiyaadka ayaa dilay saddex qof waxayna sido kale dhaawaceen saddex kale .
Isku duwaha ammaanka ee gobolka xeebta John Elungata ayaa warbaahinta u xaqiijiyay falcelinta ay saraakiisha sameyeen.
Baska la weeraray oo ka ambabaxay Mombasa ayaa ku wajahnaa ismaamulka Lamu.
Guddoomiyaha dowlad deegaanka Lamu ,Irungu Macharia ayaa hoosta ka xarriiqay in ilaa iyo hadda aan la aqoonsan shakhsiyaadka la dilay iyo dhaawaca labaduba.
13-kii bishii koowaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii weerar maleeshiyo hubeysan ay ka gaysteen aagga Nyongoro halkaas oo haweeney ay ku dhimatay , shan sarkaal oo booliska ka tirsana ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here