4 qof oo ku dhaawacmay toogasho ka dhacday London

Wararka naga soo gaaraya waqooyiga magaalada London ee Ingiriiska ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in afar qof oo isugu jiro saddex waweyn iyo canug yar ay dhaawacmeen kaddib toogasho halkaas loogu gaystay.
Booliska ayaa guda galay baaritaano ku aaddan dhacdadan oo la soo tabiyay xalay.
Bayaan ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in dhaawaca hadda la daaweynaya sido kalena aynan jirin cid falkaas loo soo qabtay.
Sido kale ciidamada ammaanka ayaa adeegsanaya amar la siiyay oo ah inay dadka istaajiyaan kaddibna baaraan.
Booliska ayaa dhanka kale goobjoogayaasha dhacdadaas ka codsaday inay warbixin soo gudbiyaan halka habeenkii la sameynaya roondooyin dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here