4 qof oo ku dhimatay doon ku degtay webiga Kerio ee Turkana

Ilaa afar qof ayaa la xaqiijiyay halka 14 kalena la soo badbaadiyay kaddib markii doon ay saarnayeen ay ku degtay webiga Kerio ee bartamaha ismaamulka Turkana.
Wararka ayaa intaa ku daraya in doonta ay sidday rakaab ka badan intii loogu talagalay.
Taliyaha booliska ee ismaamulkaas Samuel Ndanyi ayaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijiyay.
Waxaa uu intaa ku daray in doonta ay ku wajahneyd tuulada Merier waxayna ka timid tuulada Kerio.
Labadan tuulo ayaa isku jiro masaafo dhan 5 kiilomitir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here