4 qof oo ku dhimatay inta u dhexeysa Nairobi iyo Mombasa

Afar qof ayaa ku dhintay shil baabuur oo laga soo tabiyay wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.
Shilka ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen laba gaari oo marayay goobta loo yaqaano Emali ee wadadasi.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Makueni Ole Napeiyan ayaa dhacdadan xaqiijiyay.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in darawalkii kaxeynayay mid ka mid ah baabuurta oo ka ambabaxay Nairobi kuna wajahnaa Mombasa uu si xowli ah u waday.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in shilka uu dhacay kaddib markii darawalka uu iskudayay inuu gaari kale ka hor maro.
Laba qof oo dheeraad ah oo ay dhaawacyo soo gaareen ayaa la geeyay
Isbitaal halkaasi ku yaallo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here