4 qof oo ku dhimatay Kitui kaddib roobab ka da’ay

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Kitui ayaa sheegaya in 4 qof ay dhinteen kaddib markii baabuur ay saarnayeen ay biyuhu qaadeen roobab xooggan oo halkaasi ka da’ay awgeed.
Dhibaatadan ayaa ka dhacday meel u dhow suuqa Matinyani waxayna wararku intaasi ku darayaan in gaariga oo 6 qof ay saarnayeen uu ka dhacay meel buundo ah.
Taliyaha saldhigga booliska ee degmada Matinyani John Sawe, ayaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijiyay.
Saddex ka mid ah meydadka ayaa ilaa iyo hadda la helay waxaana la raadinayaa midkii afaraad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here