4 qof oo la sheegay inay booliska iska dhigayeen oo la qabtay

Ciidamada booliska ayaa afar qof ka soo qabtay deegaanka Changamwe ee ismaamulka Mombasa kaddib markii shakhsiyaadkaas lagu eedeeyay inay iska dhigayeen saraakiisha booliska ee loo xilsaaray inay dhaqan geliyaan bandowga habeenkii.
Taliyaha booliska ee deegaanka Changamwe, Cali Ndiema oo la hadlay warbaahinta maxaliga ee Citizen ayaa sheegay in afarta ay ku labisnaayeen dharka booliska oo dhameystiran.
Waxaa uu intaa ku daray in eedeysanayasha ay sido kale ku hubeysnayeen bistoolado iyaga oo argagax gelinayay dadka deegaanka.
Afarta qof ayaa la sheegay inay qabanayeen dadka socda waddooyinka xilliga uu jiro bandowaga habeenkii iyo kuwa aan wadanin maaskarada afka lagu xirto iyagoo ku qaadayay baabuur ay wateen halka iyo sidoo kale dhac u geysanayeen.
Mr. Ndiema ayaa sido kale xusay in afarta qof lagu haayo saldhigga Booliska ee Changamwe.
Waxay laamaha ammaanka baarayaan dharka booliiska ee ay ku labisnayeen iyo hubka ay adeegsanayeen.
Waxaa uu dadka deeganka ugu baaqay inay u hoggaansamaan awaamiirta dowladda ee ku aaddan xakameynta cudur sidaha coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here