4 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday Mexico

Wararka naga soo gaaraya dalka Mexico ayaa sheegaya in toogasho laga gaystay meel aan sidaas uga fogeyn madaxtooyada wadankaasi looga takhalusay 4 qof.
Waxay dhaawacyo soo gaareen laba qof oo kale .
Falkan ayaa dhacay xilli madaxweynaha Mexico ,Andres Manuel Lopez Obrador uu safar ugu maqnaa duleedka caasimadda dalkaasi ee Mexico City .
Booliska ayaa sheegaya in nin hubeysan uu gudaha u galay dhisme ka ag-dhow madaxtooyada kaddibna uu rasaas furay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here