4 qof oo lagu soo oogay dacwado ku aaddan dhac laga gaystay bangiga Barclays

Afar qof oo loo haysto xatooyo laga gaystay bangiga Barclays ee magaaladatani Nairobi ayaa maxkamadda la soo taagay waxaana la hor dhigay eedeymo ah inay la baxsadeen in ka badan 2.8 milyan oo shilin.
Lacagtan ayaa laga xaday mashiinta lacagaha lagala baxo ee loo yaqaano ATM-ka gaar ahaan laanta bangigu uu ku leeyahay Kenya Cinema Plaza.
Eedeysanayaasha ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay John Otieno Makambongo, George Gachungui Njoroge, Daniel Orero Okindo iyo Fredrick Herman Otiya waxayna ka soo hormuuqdeen maxkamadda Milimani.
Garsoore Kenneth Cheruiyot ayaa u sheegay in loo haysto inay qeyb ka noqdeen shirqool dhac lagu gaystay iyo hanti la xaday labaduba.
Dembiyadan ayaa la sheegay inay gaysteen intii u dhexeysay 1-dii bishii afaraad ee sannadkan ilaa 16-kii isla bishaasi.
26-kii bishii hore ee April ayaa gacanta lagu dhigay waxaana tan iyo xilligaasi lagu hayay saldhigga booliska ee Muthaiga .
Dhammaantood waxay iska fogeyeen eedeymaha loo soo jeediyay halka mid waliba lagu siidaayay damiin lacageed oo ah 500,000 oo shilin ka hor in dacwadaha ay wajahayaan aan mar kale la soo hadal qaadin 5-da bisha lixaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here