4 qof oo loo haysto weerarkii jaamacadda Garissa oo maanta la maxkamadeynayo

Maxkamadda Milimani ee magaaladatani Nairobi ayaa galinka dambe ee maanta la filayaa inay go’aan kama dambeys ah ka soo saarto kiis ay wajahayaan afar eedeysane oo lala xariiriyay weerarkii sannadkii 2015-kii lagu qaaday jaamacadda Garissa.
Weerarkaasi oo dhacay 2-dii bishii afaraad ee sannadkaasi ayaa waxaa ku dhintay ilaa 148 qof oo arday u badnaa.
Garsoore Francis Andayi ayaa shalay sheegay in10-kii barqanimo ee maanta uu go’aan soo saarayo balse taasi ayuu hadda dib u dhac ku yimid.
Maxkamadda ayaa horay u sheegtay in afarta qof oo dhammaantood rag ah ay garab siiyeen kooxdii jaamacadda weerartay.
Eedeysanayaasha ayaa kala ah Maxamad Cali , Xassan Aden Xassan, Sahal Diriye iyo Rashid Charles Mberesero.
Waxay horay isaga fogeyeen 156 dacwadood oo lagu soo oogay sida inay ku kaceen fal argagixiso , inay koox argagixiso xubno ka yihiin iyo inay sameyeen shirqool ku aaddan weerarkii dhacay.
Mr .Mberesero oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Tanzania ayaa dhankiisa wajahayo dacwad kale oo ah inuu wadanka si sharci darro ah ku joogo.
Qareenka dowladda matalaya Caroline Sigei ayaa dhankeeda sheegtay inay soo bandhigeen caddeeyo wax ku ool ah oo kiiskan loo cuskan karo.
Hasa ahaate garyaqaanka u doodaya eedeysanayaasha, Mbugua Mureithi ayaa dhankiisa sheegaya in qaar ka mid ah afarta qof laga soo qabtay meel masaafo dhan 700 oo kiilomitir u jirta jamacadda sidaasi awgeedna aanan si toos ah loola xariirin Karin weerarkii xilligaasi dhacay.
Sido kale waxaa la siidaayay waardiyihii jaamacadda Xussen Cisman Dhaqane kaddib markii wax caddeeymo ah lagu waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here