4 Qof oo loo Haysto Weerarkii Jaamacadda Garissa oo Maanta la Maxkamadeynayo

Maxkamadda  Milimani ee magaaladatani Nairobi ayaa maanta la  filayaa  inay  go’aan kama dambeys  ah ka soo saarto  kiis ay wajahayaan  afar  eedeysane  oo lala xariiriyay weerarkii sannadkii 2015-kii  lagu qaaday jaamacadda Garissa.

Weerarkaasi   oo dhacay 2-dii bishii afaraad  ayaa waxaa ku dhintay  ilaa 148 qof oo arday  u badnaa.

Garsoore Francis Andayi,  ayaa   ku dhawaaqi doono xukunka ka dhanka ah eedeysanayaasha. 

Maxkamadda ayaa horay u sheegtay in afarta qof  oo dhammaantood rag ah ay garab siiyeen kooxdii jaamacadda  weerartay.

Sido kale waxaa  la siidaayay   waardiyihii  jaamacadda  Xussen Cisman Dhaqane  kaddib markii wax caddeeymo ah lagu waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here