4 qof oo looga shakiyay burcadnimo oo la toogtay

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada ammaanka ay toogasho kaga takhaluseen 4 qof oo lagu tuhmay falalka burcadda.
Dilka eedeysanayaasha ayaa ka dhacay wadada Juja Road ee magaaladatani Nairobi .
Waxaa bayaanka DCI lagu xusay in saraakiisha ay howlgalkaasi ku soo heleen laba bastoolo iyo 4 mindiyo ah.
Kooxdan oo ka koobnayd 6 xubnood ayaa aroornimadii hore ee saaka dhac u gaystay laba qof iyagoo sido kale isku dayay inay baabuur kala baxsadaan.
Ciidamada saldhigga booliska ee xaafadda Pangani ayaa kaddib markii dhacdadaasi lagu soo wargeliyay waxay guda galeen howgal ballaaraan iyagoo 4-ta qof toogtay israsaaseyn kaddib.
Laba ka mid ah burcadda ayaa goobta ka baxsaday balse weli laamaha ammaanka ayaa ku raad joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here