4 qof oo maanta kenya ugu dhimatay Corona Virus

Waxaa dalka manta laga diiwangaliyay kiisas dhan 418 taas oo tirade guud ka dhigtay 13,771.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay cudurka laga baaray dad garaya 2,474 qof.
494 ruux oo dheeraad ah ayaa ka caafimaaday fyruskaan taas oo bogsashada guud dhigtay 5,616
4 qof oo dheeraad ah ayaa galabta la xaqiijiyay inay Kenya ugu geeriyoodeen xanuunka halista ah ee COVID-19.
Dhimashada guud ee dalka ayaa hadda gaartay 238.
Tan iyo bishii sedexaad ee sanadkan waxaa dalkani Kenya laga baaray xanuunka Corona dad dhan 246,361 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here