4 qof oo maxkamadda loo soo taagay xatooyada carruurta

Waxaa maxkamad ku taalla caasimadda dalka ee Nairobi ka soo hormuuqday afar eedeysanayaal oo lala xiriirinayo xatooyada iyo ka ganacsiga carruurta.
Eedeysanayaashan ayaa lagu kala magacaabaa Dr. Musa Maxamad ,Beatrice Njambi, Selina Awuor iyo Juliana Mbete.
Wararka ayaa intaa ku daraya in afarta qof ay xatooyada carruurta ka wada shaqeyeen taariikhyo kala duwan inta u dhexeysay 11-kii bishii shanaad iyo 17-kii bishan ee sannadkan.
Maxkamadda ayaa loo sheegay in ay gacan ka gaysteen dhacdo canug dhallan 6 bilood looga xaday isbitaalka Mama Lucy Hospital iyagoo garab siinaya shakhsiyaad kale.
Shalay ayay ahayd markii ciidamada booliska ay sheegeen in saddex qof loo xiray xatooyada carruurta.
Abaanduulaha ciidamada booliska ee dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa xusay in saddexda qof ay yihiin dhakhaatiir ka howlgalo mid ka mid ah isbitaallada dowladda ee Nairobi.
Dhawaan ayay ahayd markii barnaamijka Africa Eye ee warbaahinta BBC-da lagu soo bandhigay xeelad qoto dheer oo ku saabsan ka ganacsiga dhallaanka.
Carruurtan ayaa mararka qaar si qarsoodi ah looga qaataa hooyooyinka darbi jiifka ah iyo kuwa qabo xanuunada dhimirka.
Sidoo kale waxaa uu barnaamijku shaaciyay in xita ay jiraan hooyooyin isbitaallada ku umulay oo dhallaanka loo beddelay ama loo sheegay in canugga uu dhintay in kastoo aan meydka lagu wareejin.
Booliska ayaa sida bayaanka ku xusan baaritaanada ay sameyeen ku ogaaday in ganacsigan ay iska kaashadaan qaar ka mid ah saraakiisha caafimaadka,howlwadeenada xarumaha carruurta lagu xanaaneeyo iyo dadka sida gaarka ah barnaamijkan uga macaasho.
Mutyambai ayaa arrintan nasiib darro ku tilmaamay wuxuuna xusay in eedeysanayaasha la qabtay maxkamadda la soo taagi doono.
Taliyaha guud ee booliska ayaa intaa ku daray inay wadaan baaritaano dheeraad oo ay suurtagal tahay in shakhsiyaad kale lagu soo qabto.
Mr. Mutyambai ayaa dhanka kale taliyaasha booliska ee ismaamullada ku amray in iyagoo kaashanaya saraakiisha waaxda daryeelka carruurta ay sida ugu dhaqsiyaha badan baaritaano dheeraad ah ka sameyaan isbitaallada dowladda, kuwa gaarka ah iyo xarumaha xanaaneynta carruurta.
Booliska ayaa ugu dambeyn shacabka ugu baaqay in ay u soo gudbiyaan falalka ay ka shakiyaan ee la xiriira xatooyada carruurta waxayna ballanqaadeen in cidii xogtan gudbisa aan macluumaadkeeda la shaacin doonin.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here