4 qof oo Shiinees ah oo baaritaano lagu sameynaya

Waxaa weli xabsiga ku jiro oo baaritaano lagu hayaa afar qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Shiinaha.
Shakhsiyaadkan oo lala xiriirinayo jirdil loo gaystay qof Kenyaan ah ayaa shalay subax gacanta lagu dhigay.
Arrintan ayaa timid kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay warbaahinta dalkana ay baahisay muuqaal laga dhex arkaya nin Shiinees ah oo garaacaya mid ka mid ah adeegayaasha maqaaxida chez wou ee ku taalla wadada suguta road ee xaafadda kileleshwa.
Saraakiisha waaxda dambi baarista ee DCI-da ayaa eedeysanayaasha soo qabtay kaddib howlgalo ay maqaaxidaas ka sameeyeen.
Afarta qof ayaa isugu jiro saddex rag iyo haweeney.
Ninka midka Kenyaanka ah garaacaya ayaa magaciisu lagu sheegay Deng Hailan .
Eedeysanayaasha kale ayaa kala ah Chang Yueping, 0u, Qiang iyo Yu Ling .
Sido kale waxaa xadgudubka dhacay wax laga weydiinaya 8 kale oo ah shaqaalaha u dhashay dalka ee maqaaxidaas ka howlgalo si ay gacan uga gaystaan baaritaannada.
Ciidamada waaxda DCI ayaa sheegay in baaritaanada kaddib cidii wax dambi ah lagu helo maxkamadda la soo taagi doono si loogu caddeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here