4 qof oo u dhashay Shiinaha oo dalka laga tarxiilaya

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi ayaa soo saaray amar wadanka looga musaafurinaya afar qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Shiinaha.
Waxay dhammaan ka shaqeeyaan maqaaxi ku taalla xaafadda Kileleshwa ee magaaladatani Nairobi.
Amarka Matiangi ayaa imaanaya kaddib markii dhawaan baraha bulshada lagu faafiyay sidoo kalena warbaahinta dalka ay si weyn u baahisay muuqaal laga dhex arkaya mid ka mid ah howlwadeenada maqaaxidaas oo garaacaya shaqaale Kenyaan ah.
Ninka la jirdilaya ayay wararku sheegayaan inuu dhibaatadaas la kulmay kaddib markii uu shaqada ka soo daahay.
Sido kale dhawaan ayay maxkamadda 15 maalmood u qabatay maamullada kiiskan gacanta ku haya si ay baaritaanada ka dhanka ah eedeysanayaasha u soo gabagabeeyaan.
Dhibanaha ayaa booliska u sheegay in garaaca loo gaystay ay sido kale horay ula kulmeen shaqaalaha kale ee goobtaas ganacsi.
Dhanka kale safiirka dowladda Shiinaha ku matalo Kenya , Wu Peng ayaa si kulul u cambaareeyay falka uu ku kacay eedeysanaha Shiineeska ah.
Wuxuu intaas ku daray in muwaadiniinta Shiinaha ee ku nool gudaha dalka in dhammaantood laga doonaya u hoggaansanka shuruucda Kenya.
Eedeysanayaasha uu Fred Matiangi amar ku bixiyay in dalka laga musaafuriyo ayaa kala ah Deng Hailan oo muuqaalka ka soo dhexmuuqday isagoo jirdil gaysanaya , Chang Yueping iyo Ou Qiang oo lagu eedeynaya inay haystaan dal ku gal waqtigiisu dhacay.
Qofka afaraad ayaa lagu magacaabaa Yu Ling oo dowladda ay sheegtay inuunan haysan oggolaanshaha shaqo.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo kiisaska ay wajahayaan la qorsheynaya inay maxkamadda mar kale soo hadal qaaddo 4-ta bisha saddexaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here