4 sarkaal oo loo haysto howlgallo ka dhacay jaamacadda JKUAT

Abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa sheegay in la aqoonsaday ilaa 4 sarkaal oo boolis ah oo dhawaan xadgudubyo u gaystay ardayda jaamacadda JKUAT ee ismaamulka Kiambu.
Ciidamada ayaa loo haystaa inaynan u hoggaansamin shuruucda dastuuriga ee u degsan ka fal celinta dibadbaxyada.
Ardayda ayaa dhigayay mudaaharaad ay kaga soo horjeedaan falal amni darro ah oo soo foodsaaray.
Hasa ahaate waxay caro xooggan ka dhalatay muuqaal la faafiyay oo laga dhex arkayo ciidamo ardayda si xun u jir dilaya.
Kaddib markii waaxda qaran ee adeegga booliska baaq loo jeediyay ayay Mr. Mutyambai iyo wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi ballanqaadeen in muddo 24 saacadood gudahood ah lagula xisaabtamayo saraakiishii muujiyay habdhaqan aan wanaagsaneyn.
Mr. Mutyambai, abaanduulaha booliska dalka ayaa xusay in afarta sarkaal ee la aqoonsaday kaddib markii wajiyadooda laga dhex arkay muuqaalada la faafiyay ay baaritaano ku socdaan oo ayna wajahayaan tallaabo sharciyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here