4 wadan oo dhaliilay ciidamada uu Turkiga Liibiya geynayo

Wadamada Faransiiska, Giriigga , Masar iyo Cyprus ayaa cambaareeyay heshiis ay horay u wada saxiixdeen wadamada Liibiya iyo Turkiga.
Bayaan ay dalalkan si wadajir ah u soo saareen ayaa lagu sheegay in qodobbada ay ku heshiiyeen Turkiga iyo Liibiya ay waxba kama jiraan yihiin.
Waxay intaasi ku darayaan in waxyaabaha labada dhinac ay isku afgarteen ay saameyn karaan xasiloonida gobolka.
Wadamadan ayaa diiddan heshiisyo la xiriirray milatariga iyo badaha oo dhex maray Turkiga iyo Liibiya.
Arrimahan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan dhanka kale uu Turkiga sheegay inuu ciidamo milatari geynayo Liibiya si loo taageero dowladda uu caalamka aqoonsanyahay ee uu fadhigeedu yahay magaalada Tripoli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here