4 xarumood oo laga qaadan karo baasaboorada casriga ah oo xariga laga jarayo

Waaxda socdaalka ee dalka ayaa la filayaa inay si rasmi ah u furto afar xarumood oo dadweynaha ay ka qaadan karaan baasaboorka dijitaalka ah.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa maanta mid ka mid ah xarumahan ka furaya ismaamulka Nakuru .
Saddexda kale ayaa ku yaalla Kisii, Eldoret iyo Embu waxaana maalin kasta laga diiwaangalinaya 1,500 oo ah codsiyo hor leh.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo culeyska ka jiro daarta Nyayo House ee caasimadda dalka ee Nairobi.
Baasaboorada hadda laga isticmaalo dalka ayaa la adeegsan karaa ugu dambeyn bisha sideedaad ee sannadkan.
Sido kale baasaboorada cusub ee dalka ayay qurbajoogta Kenyaanka ah ka qaadan karaan magaalooyinka Pretoria, London, Paris, Dubai, Washington iyo Beijing oo si rasmi ah looga billaabi doono dhammaadka bishan.
Dowladda ayaa tallaabooyinkan qaadday kaddib markii qurbajoogta wadanka u dhashay ay cabasho ka muujiyeen inay dantu ku qasabtay inay dalka u soo safraan si ay halkan uga helaan dokumeentiyada muhiimka ah ee ay ku safri karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here