400 oo qoys oo tan iyo bishii Afaraad ku nool dugsiga hoose ee Budalangi

Dugsiga hoose dhexe ee deegaanka Budalangi ee ismaamulka Busia ayaa laga soo billaabo bishii Afaraad ee sannadkan ilaa iyo hadda hooy u ah ku dhawaad 400 oo qoys .
Tani aya timid kaddib marki wabiga Nzoia uu fatahaad sameeyaay uuna soo daayay biyihii ugu badnaa ee la arko muddo sanado ah.
Muddo ah in ka badan sanad oo roobab xooggan ay dalka ka da’ayeen ayaa sida ay dowladda sheegtay waxaa ka dhashay barakaca in ka badan 800, 000 oo qof oo kenyaan ah .
Hesborne Opondo oo 45 sano jir ah kana mid ah dadka ku sugan dugsiga Budalangi aya sheegay in fatahaadda ay ku wayeen guriyahoodi , dalagoodi ,xolahoodina ay baaba’een kaddib markii guryahoodi biyo galeen.
Saynisyahanaadu waxay ka digayaan in fatahaadyadu sare u kici karaan xilli isbedelka cimilada uu sii xoogaysanayo.
Dowladaha dalalka Kenya, Ugandha iyo Tansaaniya ayaa lagu boorinaya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo dejin lahaa nidaamyo lagu yareeynayo khasaaraha daadadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here