4000 oo gabdhood oo lagu uureeyay Machakos

Warbixin shalay la soo bandhigay ayaa lagu sheegay in tan iyo bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan uur loo yeelay ilaa 4000 oo gabdhood oo ku nool Machakos.
Macluumaadkan ayaa la shaaciyay xilli loo dabaaldegayay maalinka carruurta qaaradda Afrika.
Sarkaalka ismaamulka Machakos u qaabilsan arrimaha carruurta Salome Muthama, ayaa sheegtay in xogtan laga soo uruuriyay isbitaallada.
Waxay intaa ku dartay inay suurtagal tahay in tirada rasmiga ay ka sarreyso 4000.
Dugsiyada dalka ayaa la xiray bishii saddexaad waxayna tallaabadaas horseedday in carruur badan ay guriyaha joogaan.
Tirada ugu badan ee gabdhaha uurka qaaday intii uu dalka ka jiray covid-19 ayaa laga diiwaangeliyay deegaanka Masinga waxayna tahay 705 waxaana soo raaca Athi River oo 568 ah.
200 oo gabdhahan ka mid ah waxay da’dooda ka hooseysaa 14 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here