405,000 oo qof oo sannadkii tagay u dhintay Malaria

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in sannadkii 2018-kii cudurka duumada ama malaariyada uu galaaftay nolosha 405,000 oo ruux.
Malaria ayaa sannad kasta saameysa malaayiin qof oo ku nool qaaradda Afrika.
Waxaa gudaha Afrika ugu dhinta ugu yaraan 400,000 qof oo carruur u badan.
WHO ayaa waxay tani u sababeysay inuu hakad ku yimid dagaalka ka dhanka ah xanuunka duumada.
Sido kale waxay hay’addu walaac ka muujisay inuu hooseeyo dhaqaalaha caalamka ee cudurkan lagula tacaalo.
WHO ayaa ka digaysa in kala bar tirada guud ee dadweynaha dunida ku nool inay halis ugu jiraan in duumada oo laga qaado kaneecada ay saameyso.
Hay’adda ayaa dhanka kale dowladaha caalamka iyo deeq bixiyaasha ugu baaqday inay iska kaashadaan sidii sare loogu qaadi lahaa dagaalka ka dhan ah cudurkan.
Kiisaska dhimasho ee Malaariya ee sannadkii hore ,380,000 waxaa laga diiwaangeliyay Afrika halka boqolkiiba 25 ee kiisaska guud ay ka jireen dalka Nigeria.
Warbixinta hay’adda WHO waxaa qeyb ka ah in qiyaastii 11 milyan oo ah haween uur leh oo ku nool wadamada ka hooseeya saxaraha Afrika in duumada ay ku dhacday 2018-kii.
Ku dhawaad 900,000 oo carruur ah ayaa dhashay iyagoo miisaankooda ama muggooda uu ka hooseeya heerkii laga doonayay tani oo lagu tilmaamay khatar caafimaad.
WHO waxay kale oo ay sheegtay in in ka badan saddex meelood hal meel carruurta Sub-Saharan Afrika aynan 2018-kii adeegsan maro kaneecada xilliga jiifka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here