Kenyaan lagu xiray Uganda oo ganaax lagu sii daayay

Ugu yaraan 30 kalluumeysato oo Kenya ah oo ay gacanta ku dhigeen waaxda canshuuraha ee dalka Uganda (URA) ayaa waxaa lagu sii daayay lacag ganaax ah oo dhan Sh180,000.
Kalluumeysatada kenyaanka ah , ayaa lagu haystay Jasiiradda Hama ee dalka Ugandha, waxaana la siidaayay shalay Axadii.
Waxaa lagu eedeeyay kaluumeyso sharci daro ah iyo marin habaabin ay ku sameeyeen kalumeysatada harada Fiktooriya.
Sida laga soo xigtay Gudoomiyaha Maareynta xeebaha ee ismaamulka Homa Bay Edward Oremo, ayaa sheegay in kalumeysatada ay adeegsadeen baraf kordhinaya nolosha kaluunka si uu dhowr maalmood ah u noolaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here