41 ka mid ah ismaamullada dalka oo ilaa iyo hadda coronavirus lagu arkay

Ilaa iyo hadda waxaa kiisaska cudurka COVID19 laga xaqiijiyay 41 ka mid ah 47-da ismaamul ee uu wadanka ka kooban yahay.
Waxaa liiskan ugu dambeeya oo maanta labo xaaladood laga diiwaangeliyay ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta.
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr.Mercy Mwangangi oo qabatay shirka jaraaid ee maalinlaha ayaa shacabka ku boorisay inaynan fududeysan oo ay si buuxda ugu hoggaansamaan amarradda dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafitaanka cudurka.
Waxay sheegtay in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo keliya ee cudurka looga gaashaaman karo iyo xalka kama dambeyska ee lagula dagaalamaya fayraska.
Dr. Mwangangi ayaa sheegtay in fayraska uunan iskii u fidin balse ay dad gudbiyaan iyadoo lagu saleynaya habdhaqankooda.
Xoghayaha ayaa hoosta ka xarriiqday in cudurka uu bulshada dhexdeeda ku sii faafaya sidaas awgeedna la joogo xilligii tallaabooyin adag la qaadi lahaa.
Waxay walaac ka muujisay xaaladaha cudurka gudaha dalka ee sii kordhaya.
Xoghayaha ayaa carrabka ku adkeysay in qof kasta la doonayo inuu walwal muujiyo maadaama sida ay hadalka u dhigtay ay iska caddahay inuu qalad jiro oo ay sii kordhi doonto tirada dadka uu cudurka soo ridanaya hadii aan sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga beddelin habdhaqankeena.
Dowladaha Ismaamullada dalka ayay Mwangangi sheegay inay Khasab tahay inay sare u qaadaan awoodooda dhanka baaritaannada , dabagalka iyo daaweynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here