421 xaaladooda cusub oo manta dalka laga xaqiijiyay

Wasiirka Caafimadka Mutahi Kagwe ayaa manta oo Khamiis ah sheegay in dadka uu sooritay xanuunka COVID-19 sare u kacday ka dib markii laga heklay 421 qof taasi oo ka dhigeyso tirade guud ee 11,673.
Sen.Kagwe, ayaa waxa uu ka hadlaye ismamulka Nakuru oo uu dadweynaha kuala wadaagey warbixinta maalinlaha ee xanuunka COVID-19.
Wuxuuna sheegay in 3,895 dheecaan la baaray 24 saac ee anu soo dhaafnay taasi oo ka dhigeysa wadarta guud ee dheecanada la baaray 230,096.
409 ka mid ah xaaladaha cusub 421 waa Kenyan halka 12 ay yihiin ajanabi ah, Waxay ka koobanyihiin 297 oo rag ah iyo 124 oo dumar ah.Da’adooduna waay u dhaxeysa hal sana iyo 83 sana.
Wasiir Kagwe ayaa sheegay in sided bukaan ay u geeriyoodeen xanuunka,waxayna ka dhigeysa wadarta guud ee dhimashada 217.
Wasiirka waxa uu xusay in 42 ka mid ah 47 ismaamul ee dalka laga helay xanuu COVID-19, Nairobi ayaana ku hoggamineysa 6,491 xaaladood waxa soo xigta Mombasa 1,783, Kiambu 640.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here