43  eedeysanayaal  oo xabsiga ku sii jiraya  2 maalmood oo dheeraad ah

Maxkamad ku taalla  magaalada Nairobi ayaa  ciidamada  booliska  u ogolaatay  inay  laba  maalmood oo dheeraad ah  xabsiga  ku sii hayaan  43 qof  oo dhawaan gacanta lagu dhigay.

Waxaa dadkan ka mid ah 38 arday  oo laga qabtay xaafadda islii  ee deegaanka Kamukunji kaddib howlgal laga sameeyay macaahidda  wax laga  barto.

Waxay wararku intaas ku darayaan  laba ka mid ah  agaasimayaasha machadyada  Alison iyo   Atlas in saraakiisha  waaxda  qaabilsan  la dagaalanka  argagixisada ee ATPU ay su’aalo weydiinayaan.

Dhawaan  ayay  ahayd markii  agaasimaha  guud ee  waaxda  kormeerka  iyo xaqiijinta ku sameysa  tayada   culuunta farsamo ee   laga bixiyo machadyada ee TVET , Kipkirui  Langat uu sheegay inay xireen xarunta Alison  kaddib markii  la ogaaday inaynan dowladda u diiwaan gashaneyn.

Booliska ayaa maxkamadda ka codsaday  in  la siiyo  5 maalmood  oo ay baaritaanada   ku soo gabagabeynayaan balse  waxaa ka diidday garsoore  Zainab Cabdul.

Garsooraha ayaa  ciidamada ammaanka  u sheegtay in laga doonayo inay soo caddeeyaan in eedeysanayaasha ay wax xiriir ah la leeyihiin  argagixisada kaddib  eedeymo ay u jeediyeen.

Sido kale wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa looga  fadhiyaa inay xaqiijiso  dokumeentiyada  ay isku diiwaangeliyeen  shakhsiyaadka la qabtay.

Waaxda socdaalka ayaa dhankeeda eegi doonto baasabooradda   iyo dal ku galka ay  eedeysanayaasha qaar ka mid ah sitaan.

Sarkaalka baaritaanada sameynaya   ,Richard Ngatia ayaa sheegay in  xubno matalaya  waaxyo kala duwan  ay  eedeysanayaasha su’aalo weydiin doonaan.

Maxkamadda ayaa  sido kale amartay in wiil ay  da’diisu  tahay  14 sano oo ka mid ah dadka la  xiray  saldhig gaar ah la  geeyo.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here