455 qof oo loo karantiilay inaynan u hoggaansamin bandowga habeenkii

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in dad ay tiradoodu tahay 455 qof ay ku jiraan goobaha karantiilka kaddib markii lagu helay dembi ah inaynan ilaalin amarka bandowga xilliga habeenkii dalka ka jiro.
Bandowga ayaa shaqeeya inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo.
Go’aankan oo uu horay ugu dhawaaqay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dhaqan galay 27-kii bishii hore.
Dhawaan ayay ahayd markii wasaaradda caafimaadka ay sheegtay in qofkii saacadaha uu bandowga jiro bannaanka lagu arko sido kalena aan ka mid ahayn shakhsiyaadka fidinaya adeegyada muhiimka ah la karantiilaya muddo 14 cisho oo qarashka ku baxaya uu isaga dusha saaranaya.
Shakhsiyaadka hadda karantiilka khasabka ah ku jiro waxaa ka mid ah 39 dumar ah oo habeen hore fiidkii laga qabtay xaafadda Komarock ee magaaladatani Nairobi halkaas oo ay kaga qeyb galayeen xaflad aroos ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here