461 kiis oo maanta dalka laga xaqiijiyay

Waxaa maanta gudaha dalkani Kenya laga diiwangaliyay kiisas dhan 461 ee caabuqa Corna Virus ka dib markii ay wasaaradda cafaimaadka dalka baareen dad gaaraya 4,261.
Xaaladaha maanta la xaqiijiyay 432 ayaa Kenyan ah halka 29 ay yihiin dad ajaanib 320 waa rag 141 waa dumar ,dadka manata xanuunkaan laga helay da’doodu waxaa u yar 1 sano jir waxaana u weyn 86.
Guud ahaan tirada dadka uu ku dhacay cudurkaan halista ah Kenya waxaa ay gaartay 11,252 iyadoona guud ahaan dalka laga baaray 225,495 tan iyo bishii seddaxada ee sanadkan ee uu Virus-kan wadanka ka dilaacay.
Ismamaulada laga diiwangaliyay kiisaska maanta
Nairobi 248, Machakos 97 Kiambu 20 Kajiado 15 Migori 14 Busia 12 Nakuru 11 Laikipia 7 Nyeri 7 Kilifi 6 Lamu 4 Uasin Gishu 4 Kakamega 3 Kisii 3 Kisumu 2 ,Makueni 2 ,Mombasa 1 Taita Taveta 1 Bomet 1
51 qof oo dheeraad ah ayaa ka caafimaaday COVID-19 bogsashada guud waxaa ay maraysa 3,068 halka 7 qof ooh or leh ay maanta u geeriyoodeen Corona taa soo dhimashada guud ka dhigtay 209.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here