473 xaalado cusub oo coronavirus oo laga xaqiijiyay dalka

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay kiisas dheeraad oo ah kuwa fayraska corona oo gaaraya 473 kaddib baaritaano lagu sameeyay dheecaan dhan 6,979.
Dadka uu soo ritay cudurka COVID19 guud ahaan dalka 44 ka mid ah ayaa ku jiro qeybta daryeelka degdegga ee loo yaqaano (ICU).
Dhimashada ka dhalatay cudurka COVID19 gudaha dalka ayaa ah boqolkiiba 1.9 marka loo barbardhigo caalamka oo isku celcelis ahaan lagu sheegay boqolkiiba 6.7 .
Tirada guud ee xaaladaha coronavirus gudaha wadanka ayaa hadda ah 9,448
Tan iyo markii gudaha wadanka lagu arkay cudurka waxaa la baaray 206,584 oo dheecaan ah.
Waxaa xaaladahan ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta kaga dhawaaqay wasiirka caafimaadka ee dalka Mr.Mutahi Kagwe.
Wasiirka ayaa ka digay in xaaladaha cudurka COVID19 ay sare u sii kici karaan kaddib markii la qaaday xayiraadii dhanka safarrada.
Isbitaallada dalka waxaa laga saaray 76 bukaan waxaana ilaa iyo hadda gudaha wadanka cudurka kaga caafimaaday 2,734.
Sideed qof oo dheeraad ayaa cudurka u dhimatay waxayna hadda dhimashada guud tahay 181.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in tan iyo bishii sadeexaad ee sannadkan 292 howlwadeeno caafimaad ah uu udurka haleelay.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dalka Dr. Patrick Amoth ayaa sheegay in dhakhaatiirtan ay isugu jiraan 160 haween iyo 132 rag ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here