Trump oo joojiyay booqashadii dalka Denmark

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa joojiyay safarkii uu qorsheynayay inuu ku tago dalka Denmark si uu kulan ula yeesho Ra’iisal Wasaaraha dalka Denmark Mette Frederiksen.
Sababta ayaa la sheegay in ra’isul wasaaraha Denmark ayna Madaxweyne Trump kala hadli doonin suurto galnimada in Maraykanku uu iibsado dhulka Greenland.
Trump ayaa xiliyadii dambe ka hadlayey fikradda in Maryakanku uu dalka Denmarka ka iibsado dhulka Greenland.
Madaxda dawladda Denmark ayaa durbadiiba ka jawaabay oo sheegay in jasiiraddu ayna iib aheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here