4,800 Kenyaan ah oo sannadkan xajinaya

4,800 qof oo Kenyaan ah ayaa lagu wadaa inay berri dalka ka safraan si ay u soo gutaan xajka sannadkan.
Safiirka dalka ku matalo boqortooyada Sacuudi Carabiya Xamzah Alghashmari ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay kordhiyaan tiradan.
Waxay tani qeyb ka tahay dadaalada lagu soo xoojinayo xariirka ka dhexeya Kenya iyo xukuumada Riyaadh.
In ka badan 2 milyan oo ah muslimiin ka kala imaanaya daafaha caalamka ayaa Makkah isugu tagaya.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa howlahan ka caawinaysa 10 ka mid ah Kenyaanka soo xajinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here