5 Bukaan oo fayraaska koroona ugu dhimatay dalkani Kenya

Wasaarada Caafimadka ayaa shaaca ka qaaday in 141 qof oo kale laga helay xanuunka COVID-19 ka dib markii la baaray dheecanada 3,307 qof afar iyo labaatankii saac ee anusoo dhaafnay.
Xaaladahan cusub ayaa waxay wadarta guud ee dadka uu haleeyay ka dhigeysa 37,489. Bukaanadan ayaa dhamaan ah Kenyan marka laga reebo 7 oo ajaaniib ah.
Xoghayaha maamulka waasarada Caafimadka Dr. Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in kiisaskan ay 103 yihiin rag halka 38 ay dumar yihiin.Bukanka ugu yar da’adiisu waa afar sano kan ugu wayn waa 74-sano.
Dr. Mwangangi ayaa sido kale sheegtay in shan bukaan oo dheerad ah ay u geeriyoodeen xanuunka kana dhigeyso wadarta guud ee dadka u dhintay 669.

Waxaa ka bogsaday 81 bukaan bogsashada guud ayaa ah 24,334.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here