5 eedeysanayaal ah oo loo haysto inay iska dhigeen saraakiisha maamulka NEMA

Waaxda dambi baarista ee dalka ee DCI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in la qabtay 5 eedeysanayaal ah oo dhibaatooyin u gaystay sido kalena lacago ka qaatay shacabka.
Eedeysanayaashan oo laga soo qabtay deegaanka Lunga Lunga ee ismaamulka Kwale, gobolka xeebta ayaa waxaa ka mid ah laba sarkaal oo ah booliska maamulka ee AP-da.
Saraakiishan booliska ah ayaa loo haystaa inay iska dhigeen ilaalada afar qof oo shacab ah oo sheeganayay inay u shaqeyaan maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee NEMA.
5-ta eedeysane ee la qabtay ayaa ilaa saddex qof ka qaatay 25,000 oo shilin.
‏Waaxda DCI-da ayaa sheegeysa in lacagtan lagu diray nambarka Duncan Njogu oo eedeysanayaasha la qabtay ka mid ah .
Maanta oo jimco ah ayaa la filayaa in dadkan maxkamadda la soo taago.
Xafiiska maamulka NEMA ee dowlad deegaanka Kwale ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in eedeysanayaasha la qabtay aynan u shaqeynin.
Waaxda DCI-da ayaa magacyada dadka la maxkamadeyn doono ku sheegtay Benson Njoroge Mburu, Margaret Maina ,Mr. Duncan Njogu Mukono ,Ms. Grace Wambui Ndungu iyo Ms. Purity Mumbi Njagi halka qof lixaad oo baxsaday weli ay ciidamadu raadinayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here