5 eedeysanayaal argagixiso oo la qabtay

Ciidamada qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee ATPU ayaa gacanta ku dhigay 5 qof oo eedeysanaal ah kaddib markii la arkay iyagoo kormeer ka sameynaya goobta lagu caweeyo ee Whiskey River pub oo ku taalla wadada Kiambu Road.
Booliska ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in sido kale la soo helay waxyaabo dhowr ah sida baabuur ,baasaboorka Maraykanka, kaarka ilaalada ee safaaradda Maraykanka , lacagta wadamo kala duwan, surwaalka ciidamada hawada ee dalka iyo kombiyutarro
Dadka la qabtay ayaa isugu jiro laba muwaadiniin soomaali ah, hal Kenyaan iyo 2 kale oo haysta dhalashada Maraykanka.
Saraakiisha waaxda dambi baarista ayaa hadda eedeysanayaasha su’aalo weydiinaya si hadii dambi lagu helo berri maxkamadda loo soo taago.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamada ammaanka ay waxba kama jiraan ku tilmaameen digniin ku aaddanayd in la qorsheynayo weerar argagixiso oo laga fuliyo gudaha caasimadda dalka.
Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamada ammaanka ay iska caabbiyeen maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo isku dayay inay weeraraan tuulada Pandanguo ee ismaamulka Lamu.
Guddoomiyaha ismaamulka Lamu, Irungu Macharia ayaa dhacdadan xaqiijiyay.
Wuxuu intaas ku daray in xaaladda la dejiyay oo aynan jirin sabab keeni karto in walaac la muujiyo.
Shacabka ku nool tuulada Pandanguo ayuu guddoomiyaha ugu baaqay inaynan guriyahooda ka cararin maadaama amniga la sugay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here