5 haween ah oo sameeyay gudniinka fircooniga oo la xiray saddex sano

Waxaa min saddex sano oo xabsi ah ama ganaax lacageed oo dhan 200,000 oo shilinka dalka ah la saaray 5 haween ah oo lagu soo eedeyay inay gacanta ka gaysteen fulinta gudniinka gabdhaha gaar ahaan nooca fircooniga ee loo yaqaano FGM-ka.
Gudniinkan ayaa lidii ku ah dastuurka wadanka qeybtiisa 19 ee sharcigii la ansaxiyay sannadkii 2011-kii.
Haweenkan ayaa ka soo jeedo tuulada Kiagu ee bartamaha deegaanka Imenti ee ismaamulka Meru.
Waxaa lagu soo eedeyay inay falkaasi sameyeen 14-kii bishii toddobaad ee sannadkan.
Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay kaddib xog ay ka heleen dadweynaha waxayna dhammaantood dembiga lagu soo oogay ka hor qirteen garsoore Evelyn Wachira Ndegwa .
Taliyaha saldhigga booliska ee deegaankaasi John Tarus, ayaa sheegay in haweeneydii gudniinka sameysay ay baxsatay oo ayna weli saraakiisha ammaanka raadinayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here