5 ka mid ah senetarada Jubilee oo loo haysto inaynan ka qeyb gelin kulan ka dhacay madaxtooyada

Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee Jubilee Mr. Raphael Tuju ayaa sheegay in guddiga qaabilsan nidaamka loo gudbiyay magacyada 5 siyaasi oo xubno ka ah aqalka sare
Waxaa lagu eedeynayaa inaynan ka qeyb gelin kulan baarlamaani ah oo isniintii lagu qabtay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House.
Senetaradan ayaa kala ah Millicent Omanga, Falxado deeqoow iimaan, Waqo Naomi Jillo, Victor Prengei iyo Mary Yiane .
Mr Tuju ayaa xusay inay qalad ahayd in mas’uuliyiintan aynan ka qeyb gelin shir uu isugu yeeray hoggaamiyaha xisbiga ahna madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in senetarradan laga doonayo inay isku diyaariyaan tallaabo dhanka habdhaqanka ah oo laga qaadi karo.
Dhawaan ayay ahayd markii isbeddel uu xisbiga Jubilee ku sameeyay hoggaanka aqalka sare ay ka dhalatay dood siyaasadeed oo ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here