5 ka mid ah wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada oo bil gudaheed u geeriyooday Coronavirus

Cudurka COVID-19 ayaa saameyn ku yeeshay qaar ka mid ah golayaasha ismaamullada dalka.
Hal bil gudaheed waxaa xanuunkan u dhintay 5 ka mid ah wakiillada deegaanada hoose.
Ismaamulka Nakuru ayaa waxaa ku dhintay labo wakiil deegaan halka saddexda kale ay ku geeriyoodeen Mombasa, Kisii iyo Uasin Gishu.
Dalladda ay ku mideysan yihiin golayaasha ismaamullada ee (CAF) ayaa sheegtay inuu culeys badan ku yimid fadhiyada iyo shirarka guddiyada.
Guddoomiyaha ururka CAF Wahome Ndegwa ayaa sheegay in cudurku uu galaaftay nolosha dhowr wakiillo ah halka qaar kale ay la xanuunsan yihiin.
Mr. Wahome ayaa siyaasiyiintan ugu baaqay in ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan oo ayna iska ilaaliyaan isdhexgalka bulshada ee laga maarmi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here