5 qof oo ku dhimatay dab qabsaday dhisme ku yaalla Faransiiska

Dab ka kacay dhisme ku yaalla waqooyiga bari ee wadanka Faransiiska ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 5 qof.
Waxaa dabkaas iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u sheegay saraakiisha waaxda dab damiska.
Maamullada magaalada Strasbourg oo dabkaas laga soo tabiyay ayaa dhanka kale laga soo xigtay in isbitaalka la dhigay 7 qof oo ay dhaawacyo soo gaareen kuwaasoo ay xaaladooda caafimaad hadda ay liidato.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dabka ugu dambeyn la xakameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here