5 qof oo ku dhimatay roobab ka da’ay Meru

Kaddib roobab lixaad leh oo habeenimadii ay soo galeysay khamiista ka da’ay ismaamulka Meru ayaa lagu soo warramayaa inay dhinteen 5 qof oo ay biyuhu qaadeen.
Shacabka ayaa lagu booriyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyana marka ay waddooyinka gudbayaan.
Sido kale waxaa digniin loo jeediyay wadayaasha baabuurta iyo mootooyinka si aynan dhibaato u soo gaarin.
Meydadka dadka dhintay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka weyn ee Meru.
Howlgallada lagu soo helay meydadkaasi ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Joseph Njoroge oo ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda dhexe halkaasi ku matalo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here