SAWIRO:5 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay ismaamulka Machakos

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay halka 13 kale ay dhaawacyo culus soo gaareyn kaddib shil ka dhacay Kingaatuani oo ah wadada xiriirisa ismaamullada Kitui iyo Machakos.
Saddex rakaab ah ayaa isla goobta ku dhintey halka laba kale ay u geeriyoodeen dhaawici soo gaaray.
Shilka ayaa u dhaxeeyay saddex baabuur ,laba ka mid ah ay ahayeen nooca loo yaqaano mataatuuda kuwaas oo ay ku safri karaan ilaa 14 qof midkiiba halka gaariga kale uu ahaa kuwa xamuulka.
Agaasimaha Adeegyada degdegga ee ismaamulka Machakos David Mwongela ayaa sheegay in gaariga xamuulka ah uu ku dhacay Mataatuuda oo mid kale ku sii dhacday.
Dadka ay dhaawacyadu soo gaareen ayaa haatan lagu dabiibaya isbitaalka weyn ee Level 5 ee ismaamulka Machakos halka dadkii shilka u dhintay loo gudbiyay goobta meydadka la dhigo ee xaruntaas caafimaad.
Baabuurta shilka galay ayaa loo jiiday saldhigga booliiska ee Masii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here