5 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Kitui

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Kitui ayaa sheegaya in shil halkaas ka dhacay ay ku dhinteen 5 qof.
Waxaa shilka laga soo tabiyay meel u dhow suuqa Chuluni halka ay dhaawacyo soo gaareen saddex qof oo dheeraad ah.
Shilka ayaa yimid kaddib markii mid ka mid ah baabuurta xamuulka oo ay dadkan saarnaayeen uu wadada ka baxay kaddibna gaddoomay.
Khasaaraha shilka ka dhashay waxaa warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliska ee deegaanka Nzambani ,Joseph Obulo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here